2024 Abaal Marinnada Iskaashatada Bulshada
Guudmarka
Bloomington Public Health (BPH) ayaa maal gelin siinaysa mashruucyada balaarinaaya fursadaha noosha firfircoon, cunto cunista caafimaadka leh, nolosha ka caagan tubaakada ganacsiga, iyo faya dhawrka. Maal gelintaan ayaa ka imaanaysa Statewide Health Improvement Partnership (SHIP), Minnesota Department of Health (MDH), waxaana helaaya ururada u adeega Bloomington, Edina ama Richfield, Minnesota.
BPH ayaa u adeegta sadexdaan deegaan si loo abuuro fursadaha caafimaadka ee deegaannada aan ku nool nahay, ka shaqeyno, kuna ciyaarno. Waxaan la shaqeynaa iskaashatooyinka dugsiyada, daryeelka carruurta, daryeelka caafimaadka, goobaha shaqada, iyo xarumaha kale ee bulshada si loo abuuro dhaqanka caafimaadka oo taageeraaya korna u qaadaaya faya dhawrka.
Abaalmarinnada Iskaashatada Bulshada waa inaysan ka badan $24,999 halkii codsiba.
Mashaariicda ayaa la filayaa inay lahaadaan mudada dhaqan gelinta oo dhan ilaa lix (6) bilood.
Haddii la maal geliyo, ururada ayaa u qalma inay markale codsadaan maal gelinta joogtada ah ee mareegaha xiga ee maal gelinta.
Mashruuc kasta waa inuu si cad ugu xiran yahay isbedelka xeerka, nidaamyada ama bii'ada (PSE). Ma jiro shardi dhigaaya in laga shaqeeyo dhammaan sadexdaba (isbadelka xeerka, nidaamka, ama bii'ada) iskumar. Hase yeeshee, haddii Isbadelka Bii'ada la doorto, waxaa aad loogu talinayaa in Isbadelka Bii'ada lagu lamaaniyo Isbadelka Xeerka ama Nidaamka.
Mashruuc kasta ayaa diirada saari doona ugu yaraan hal kamid ah afarta aag MN Eats, MN Moves, MN Commercial Tobacco-Free, MN Wellbeing - si loo taageero higsiga Aaga mawduuca iyo tilmaamaha xeelada.
Fadlan ka eeg tusmada Qeexitaannada Barnaamijka xog dheeri ah oo faahfaahsan oo ku aadan shuruudaha mashruuca, shuruudaha, iyo tusaaleyaasha PSE.
Janaayo 16, 2024 - Codsiyada ayaa furmaaya
Maarso 15, 2024 – Codsiyada ayaa xirmaaya
Maarso 29, 2024 – Codsadeyaasha ayaa loo sheegayaa marxalada abaal marinta
Abriil 15, 2024 – Wada hadalka heshiiska iyo gabo gabaynta
Oktoobar 31, 2024 – Warbixinnada ugu danbeeya ayaa soo baxaaya lacagta maal gelintana waa in lasoo diraa qaansheegteeda
Codso maal gelin adoo buuxinaaya codsiga oonlaynka ah iyo foomka miisaaniyada.
Adeegso qeexitaannada barnaamijka oo ah tusmada. Codsadeyaasha ayaa ka heli doona iimeelka xaqiijinta magaalada kaasoo xaqiijinaaya gudbinta guuleysatay ee codsigooda.
Ayadoo qayb ka ah wada hadalkaaga heshiiska, waxaa lagaa codsan karaa inaad keento xog dheeri ah marka loo baahdo.
Fadlan ogoow in hanaanka codsigu yahay mid tartan loogu jiro maal gelintana aan la damaanad qaadi karin. Dhammaan codsiyada ayaa la siin doonaa tixgelin haddii loo buuxsho sidii la amray ayna buuxshaan shuruudaha barnaamijka SHIP sida ku cad qeexitaannada la baxshay.
Su'aalo ma ka qabtaa u qalmida barnaamijka iyo/ama shuruudaha isbadelka>
Iimeel ugu dir kooxda City of Bloomington Public Health Division’s SHIP ciwaanka ship@bloomingtonmn.gov.
Application - For reference only: Soomaali
Full application packet - For reference only: English
Cadadka lacagaha abaal marinta ayaa kaladuwanaan kara' hase yeeshee, cadadka guud waa inuusan ka badan $24,999.
Iskaashatada bulshada ee maal gelinta la siiyo waa inay siiyaan 10 boqolkiiba lacagta deeqda ah ee wadarta maa gelinta ay codsadaan. Qaybta deeqda ah ayaa ah qoondo aan kaash ahayn oo ah qiimaha daacada ah ee badeecooyinka ama adeegyada taageeraaya shaqooyinka SHIP, oo uu bixiyo iskaashadaha bulshadu.
Tusaaleyaasha qoondooyinka deeqda ah waa wakhtiga ay ku deeqaan shaqaalaha, mutadawiciinta, goobta kulanka ee lagu deeqay, daabacaada deeqda ah, iwm. Qaar kamid ah araajida mashruuca iyo agabka miisaaniyada ayaa u baahan kara ogolaansho hore oo ay bixiso MDH wayna isbadeli karaan si loo buuxsho shuruudaha SHIP. Tan ayaa sabi kara dib u dhacyada qaar oo ku yimaada saxiixa heshiiska. Fadlan iimeel ugu dir kooxda SHIP wixii su'aalo ah oo ku saabsan qarashaadka loo ogol yahay barnaamijyada ay SHIP maal gelinayso.
Ayadoo qayb ka ah hawsha abaal marinta, waxaan xanibi karnaa qaybaha miisaaniyada ee aan lagu ogolayn shuruudaha deeqda ee SHIP ama aan buuxin ujeedada abuurista isbadellada PSE. Lacagta mashruuca waxaa lagu baxshaa qaab soo magid ah keliya, taasoo ka dhigan in Iskaashatada Bulshada laga doonaayo inay iska dhiibaan qarashka kahor inta aan loo celin lacagta ka baxday. Codsiyada qarash celinta waa inay waafaqsan yihiin agabka ku jira miinsaaniyada la ogolaaday ee Iskaashadaha Bulshada. Shaqada waa inaan lagu bilaabin mashruucaan ilaa heshiis si buuxda loo kala saxiixdo. Iibabka la sameeyay kahor inta aan heshiiska la saxiixin ayaan lacagtooda laguu celin doonin.
Codsadeyaashu waa inay u adeegaan magaalooyinka Bloomington, Edina, ama Richfield si ay ugu qalmaan codsiga. Muhiimada waxaa la siinayaa ururada u adeegga bulshooyinka waajahaaya dhibaatooyinka waawayn ee sinaan la'aanta cadaalada (tusaale: Bulshooyinka Madoowga, Asaliyiinta, iyo Dadka aan Cadaanka ahayn (Black, Indigenous, and People of Color (BIPOC)), LGBTQ+, bulshada naafada ah, dadka danyarta ah ama cayrta ah, dadka jira 65 sano iyo ka wayn, dadka jira 18 sano iyo ka yar, iyo dadka qaba baahiyaha caafimaadka dhimirka iyo/ama dhibaatada isticmaalka maandooriyaasha). Haddii aad tahay urur aan lahayn aqoonsi sharci ah, waa inaad codsiga u sii martaa wakiil dhaqaale.
Mashruuca laso gudbiyay waa inuu buuxiyaa ugu yaraan midkood aagaga ujeedada:
MN Eats, MN Moves, MN Commercial Tobacco Free, MN Well-being
Mashruuca la soo gudbiyay waa inuu u adeegaa midkood ama dhawr kamid ah goobaha soo socda:
Bulshada, Dugsiyada, Daryeelka Caafimaadka, Goobta Shaqada, Daryeelka Carruurta
Mashruuca lagu taliyay waa inuu si cad diirada u saaraa isbadelka xeerka, nidaamyada, ama bii'ada.
Shaqaalaha City Bloomington Public Health Division ayaa dib u eegis ku samayn doona codsigaaga iyo miisaaniyada si ay u xaqiijiyaan inay buuxinayso shuruudaha ugu yar ee ay dejisay MDH. Shaqaalaha ayaa kula soo xiriiri kara si ay kuu waydiiyaan su'aalo qeexitaan ah ayna kaa codsadaan faahfaahinta dheeriga ah ee barnaamijka ama miisaaniyada. Haddii codsi u baahan yahay ogolaanshaha MDH, waxaan codsiga u gudbin karnaa MDH si dib u eegis dheeri ah loo sameeyo. Cabirka arjiga iyo miisaaniyada ayaa isbadeli kara marka MDH dib u eegis ku samayso si loo buuxsho shuruudaha SHIP.
Codsiyada waxaa dib u eegis ku samayn doona oo heerar u kala samayn doona gudiga abaal marinnada ayagoo adeegsanaaya shuruudaha qiimeynta. Shuruudahaan waxaa ku jiri doona buundooyinka barnaamijka si waafaqsan shuruudaha SHIP, miisanaiyada, iyo saamaynta.
Haddii codsi loo ogolaado maal gelin, shaqaalaha Bloomington Public Health ayaa kula soo xiriiri doona si ay kuugu soo gudbiyaan heshiiska kama danbaysta ah si loo akhriyo lona saxiixo, waxaana ku jiri doona tilmaamo ku aadan dukumiintiga lagaa rabo, sida loosoo gudbiyo qaansheegta qarashaadka, iyo shuruudaha warbixinta kama danbaysta ah.
Iimeel ugu dir kooxda City of Bloomington Public Health Division’s SHIP ciwaanka ship@bloomingtonmn.gov.